Dhowr bilood ka hor Ciidan lagusoo tababaray Turkiga oo qayb ka ahaa Dagaal Beeleedkii shalay ka dhacay Muqdisho

Ciidamada huwan magaca Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho ayaa shalay ukala baxay laba beleed iyagoo ku dhexadagaalamay Xaafada shibis gudeheeda, kuwasoo dagaalkoodu ku salaysnaa qaab qabiileed.

Dagaalka ayaa waxaa ka qayb qaatay Ciidan horay ay Dowlada Turkigu ugusoo tababartay Dowlada Federaalka, kuwasoo shalay u adeegayay Beeshooda, Sargaal la hadlay Puntlandi.com ayaa yiri

  • “waa nasiib daro nin loosoo tababaray Inuu qaranka difaaco inuu wali maskaxda ku hayao qaabkii mooryaanimada, waxaa kaloo dhib weyn ciidanka ku hayo qabqablayaasha qabiil ee Muqdisho joigaa iyo ganacsato ciidanka u adeegsada qaab qabiileed”

Waxaa had iyo jeer Muqdisho kasoo dega Ciidan fara badan oo Dalka dibadiisa lagusoo tababaro balse Ciidankaan wuxuu aakhirkii dib ugu laabtaa cimiladii hore ee Mooryaanima ama wuxuu u gacan galaa qabqablayaasha Beeleed iyo ganacsade.

Dagaalka shalay dhexmaray labada belood ayaa waxay kala adeegsadeen Ciidanka Booliska iyo kuwo ka tirsan Malatariga, kuwa Malatariga waxaa ka buuxay Ciidan lix bilood ka hor lagusoo tababaray Turkigu, hubka labadabeelood adeegsanayeen wuxuu ahaa hubkii Dowlada Federaalka,,Walina xiisadaas dagaal waa taagantahay ilaa Saaka oo sabti ah, waxaana Xaafada shibis ka jira cabdi laga qabo iney marka le ku dhexdagaalamaan shacabku.

 

Dowlada Federaalka wali kama hadlin Ciidanka Oda u adeegayay Beeshooda.

 

Puntlandi.com

Muqdisho

<