(Akhriso) Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada dalka Suudaan iyo Hogaamiyihii Afgambiga oo iscasilay

Wasiirka Gaashaandhigga  ee dalka Suudaan Cawad ibnu Cowf  oo ahaa madxii afgambiga ee Suudaan ayaa maanta iscasilay kadib markii ay dibad baxayaash ay diideen in ay ka tagaan waddooyinka waawayn ee dalkaasi.

Wasiirka ayaa hadalkan waxa uu kaga dhawaaqay Telfishinka Qaranka ee dalkaasi Suudaan.

Saraakiisha Milatariga ee dalkaasi Suudaan ayaa wali waxa ay ku adkaysanayaan in aysan doonaynin talada dalkaasi in ay sii hayaan.

Dalka Suudaan ayaa galay xaalada jahwareer ah, waxaan laxiray dhamaan xuduudaha wadankaasi iyo hawada.

Ciidamo farabadan ayaa sugaya amniga magaalada, kuwaas oo taagan wadooyinka magaalada .

<