(SAWIRRO) Maamulaha cusub ee shirkada biyaha ee NUWACO oo maanta xilkiisii la wareegay

Munaasabad saaka ka dhacdey xarunta shirkada biyaha Nuwaco, waxaa xilalka kula kala wareegay Maamulihii horre ee Shirkadda Dr Cabdirasaq Osmaan iyo maamulaha cusub ee Shirkadda Axmed Abshir Surato Bakuuke.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta guddiga board-ka Shirkadda iyo dhamaan shaqaalaha shirkadda ayaa goob joog u ahaa munaasabada labada masuul ay saaka xilalka kula kala wareegeen.

Cabdinuur Gaadayare  oo ah Gudoomiye kuxigeenka shirkadda ahna kusimaha gudoomiyaha ayaa uga mahadceliyay maamulihii horre 11 sano oo uu si habsami leh uga soo shaqeeyay hawlaha shirkadda bilow illaa heerka maanta ay mareyso shirkadda NUWACO.

Dr Cabdirasaq Osman maamulihii horre Shirkadda NUWACO ayaa kula balamay shaqaalaha Shirkadda,maamulaha cusub inay ula shaqeeyaan si ka fiican sidey isaga ula soo shaqeeyeen muddo ka badan 10 sano.

Maamullaha cusub ee Shirkadda Axmed Abshir (Bakuuke) oo hadal kooban madasha ka jeediyay ayaa sheegay qorshayaal horumarin oo ay ku sameyn doonaan adeega shirkadda islamarkaana kula balamay shaqaalaha iyo masuuliyiinta shirkadda balantoodu inay tahay SHAQO.

Puntlandi.com

 

<