Dowlada Emaaraatka oo malaayiin Dollar ku caawinaysa Dowlada Puntland

Dowlada Emaaraatka Carabta ayaa Puntland ka fulin doonta Mashaariic ay ku baxayso Malaayiin Dollar, waxaa sidaas Puntlandi.com u xaqiijiyey Masussul ka tirsan wafdiga la socda Madaxweyne Dani oo ku sigan Dalka Emaaraatka Carabta.

Booqashada rasmiga ah ee uu Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Dani uu ku joogo Abudhabi ayaa timid kadib markii uu Casumaad ka helay Dowlada Emaaraatka oo saaxiib dhow la ah Puntland.

Dowlada Emaaraatka iyo Puntland waxay ka wada hadleen Amaanka guud ee Soomaaliya iyo sidii ay Emaaraatku usii laba jibaari lahaayeen Wada shaqaynta ay la leeyihiin Puntland.

Mashaariicda Cusub ee ay Balan qaadeen oo ay sheegeen in dhakhso loo bilaabayo , kharashaadka ku baxaya waxaa gabi ahaan bixinaya Dowlada Emeraatka, waxaa feer socon doona Dhaqaale badan oo lagu kabayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo tayaynta Shaqaalaha Dowlada.

Emaraatku waxay kaloo Puntland ka caawin doonaan Mashruuc lagula dagaalamayo Argagixisada oo nooc cusub ah, inkastoo aanaan xog buuxda ka hayn Mashruucaan, abale waxaa loo badinayaa in Emaaraatka oo hada Puntland ka caawiya Ciidanka Bada ay hadana ka qayb qaadanayaan Kor u qaadida tayada Ciidanka la dagaalanka Argagixida ee Puntland, waxayna Emeeraatku Laba jibaaarayaan tirada Ciidanka ladagaalanka Arggixisada iyagoo ku taageeraya dhaqaale iyo Qalab Ciidan oo casri ah.

Dhinaca kale Madaxweyne Dani oo bilowgii todobaadkaan la kulmey Ganacsatada Emaaraatka waxay ku heshiiyeen in la kordhiyo Xiriirka Ganacsi si Puntland dhaqaaleheeda ay uga caawiso ganacsiga ay la leeyihiin Emeeraatka.

Booqashada Madaxweyne Daani ku joogo Emeeraatka ayaa aka tirjumaysa iney tahay fursad cusub oo kor u qaadaysa Xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Emeeraatka.

Emaaraatku waxay hada Si muuqata oo joogta ah u caawiyaan ciidanka Bada Puntland, iyo dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekada Bosaso.

Puntlandi.com

<