Breaking News– Ciidamada Suudaan oo awoodii la wareegay, Al’Bashiir oo wakhtigiisii dhamaadday

Ciidamada Dalka Suudaan ayaa saaka la wareegay hogaanka Dalka Sudan kadib markii ay saaka qabsadeen Isgaarsiinta iyo Idaacada Dowlada ee Magaalada Omdurman

Radiyowga Suudaan waxaa saacidihii u dambeeyay laga maqlayay Muusikada astaanta Ciidanka oo qura.

Wararku waxay sheegayaan in inta badan Magaalada Omdurman oo ah magaalada labaad ee u weyn Sudan ay gacanta ku hayaan Ciidanku, ayna goordhow Shir jaraa’id qaban doonaan.

Madaxweyne Al-Bashiir waxaa lagusoo waramayaa inuu xukunka ka dagay hada, mase cada warkaan

Saaka xaalada Kharuom way kacsan tahay mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka, Khartuum Ciidanku waxay ka wareegeen Dhismayaal badan oo xarumo u ah Xukuumada.

Ciidamada ayaa lasugayaa inry la hadlaan shacabka, waxaana la filayaa iney shacabka u sheegaan iney xukunkii ka qaadeen Madaxweyne Al- Bashiir iyo kooxdiisa.

Madaxweyne Al- Bashiir laftiisu wali war lagama hayo meesha uu ku sugan yahay iyo xaaladiisa.

Puntlandi.com

<