Xog cusub:: Raysal wasaare Kheyre oo saxiixi doona Malaayiin Dollar oo deyn hor leh ah oo Maraykanku ka dambeeyo

Sawirkaan kore waa John Bolten iyo Raysalwasaaraha Isreal, Trump ayaa John Bolton u diray Isreal si uu u gaarsiiyo Fariintii ahayd in Buuraha Golan Height ay yihiin dhul Isreal.

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com heleen ayaa xaqiijineya in Dowlada Maraykanku ay Bilyanis Dollar ay ka qaadan doonto Bankiga Aduunka Lacagtasoo deyn ahaan loogu qori doono Soomaaliya.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa soo jeediyey in Howlgalada ay Maraykanku ka wadaan Soomaaliya kharashaadka ku baxa ay Soomaaliya bixiso.

John Bolton oo ah Kaaliyah Arimaha Amaanka Qaranka maraykanka ee Madaxweyne Trump ayaa arintaan loo xilsaaray inuu kasoo saxiixo Raysal wasaare Kheyra.

Maraykanku waxay horay Bank Aduunka uga dhameysteen in Maraykanka lasiiyo Bilyanis Dollar oo ah kharasha ku baxaya Ciidamada khaaska ah ee Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya, Trump ayaa amin san in Soomaaliya ay iyadu la baxdo Sugida amaankeeda, Ma ahan in Canshuurta Dadka Maraykanka lagu bixiyo Sugida amaanka geeska Afrika, sidaas ayuu Trump ka yiri shir looga hadlayay Dhaqaalaha ku baxa Ciidamada Maraykanka.

Hadaba dhowaan wuxuu Bank Aduunku shaaciyey in la cafiyayo lacagaha Soomaaliya lagu leeyahay laakiin Xaqiiqda Rasmiga ah sidaad ma aha ee Waxaa Raysal wasaaraha loo casumay inuu saxiixi Deyn cusub oo lagu quudinayo Ciidamada Maraykanka.

Hadii Deyn la cafiyayo Ma ahayn in la casumo masuuliyiinta Soomaaliya ee Bank Aduunka ayuu si Warsaxaafadeed ahaana u shaacin lahaa Cafiska lacagaha, sidaas ayayna sameeyaan markii cid wax laga cafinayo.

John Bolton waxaa lagu wadaa inuu maanta oo Arbaco ah ama Khamiista uu la kulmo Raysal wasaare Kheyre, waxaynacwada qaadanayaan kulan khaasa, Maalin kadibna waxay kuwada kulmi doonaan Banka Aduunka oo ah meesha Saxiixa khiyaamada ah uu ka dhacayo.

Kalasoco Puntlandi.com wixii intaas dheer ee soo kordha.

<