Breaking News—Shirkii Madaxda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo loo baajiyay khilaaf cusub

Caleema saarkii Madaxweynaha Puntland ayaa mudane Saciid Cabdullaahi Dani wuxuu kaga dhawaaqay in uu dhigay gogol ay isugu iman doonaaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo, maadaama xiligaas uu jiray khilaaf mudo dheer soo jiitamayay, waxaana lagu waday in kulankaas uu dhaco bishii tagtay ee Maarso, dadaal dheer ayuu galiyey Madaxweyne Dani in la isu yimaado laakiin waa dhici waydey.

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa hada heshey xogta rasmiga ah ee ku saabsan sababta kulanku uu u dhici waayey.

Gogosha uu dhigay Madaxweyne Dani ee uu doonayay in lagu dhameeyo khilaafka dhexyaalay Villa Soomaaliya iyo Madaxda u sareee Maamul Goboleedyada ayaa ahayd mid ay gabi ahaan aqbaleen Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Axmed Xeef oo iyagu ahaa Madaxda khilaafku dhexyaalay, waxaa isna la casuma MadaxweynHa Koonfur Galbeed Lafta Gareen.

Sida aan xogta ku hayne Madaxweynaha Dowlada Federaalka Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka warwareegey kasoo qaybgalida kulanka ka dhici lahaa Garowe, wuxuuna dhowr jeer baajiyey xiliyadii uu qorsheyey Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Dani in Garowe la isugu yimaado, waxaana arintaas ka caroodey Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland.

Waxaa taas xigtey in bilowgii bishaan April uu Madaxweyne Farmaajo uu Muqdisho uga dhawaaqay inuu Muqdisho ku casumayo Madaxda Dowlada Dowlad Goboleedyada,sida aan xogta ku heyno cidna kama warqabin Casumaada uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay ee uu saxaafada u mariyey shaqsiyaadka ay qusaysay, madaxweynuhu wuxuu casumadiisa ku macneeyey kulan looga hadlayo Amaanka Dalka, waxaana arintaas ka horyimid Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood, oo qaba in wali gogoshii Garowe ay taal, halkaasna lagu wada hadlo amaanka Muqdisho awgeedna aan Xiligaan lagu kulmi karin Muqdisho.

warar dheeraada aan ka helney ilo aad ugu dhow Madaxtooyada Puntland waxay noo xaqiijieyeen in Puntland ay aqbaleen in Muqdisho la isugu tago oo lawada hadlo laakin Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood ayaa wali ka biya diidan casumaada Muqdisho.

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo ay kamid yihiin Safiirada Sweden iyo Jarmalka ayaa hada wada Dadaalo la isugu keenayo Masuliyiinta isdiidan, waxayna u muuqataa in Garowe la isugu yimaado bartamaha bisha Maajo, waa hadii ay aqbalaan Dadaalka ay wadaan Wadamada caalamka ee daneeya Arimaha Soomaaliya.

Puntlandi.com
Garowe

<