(Maqaal) Kacdoonka Guga Carabta ee Cusub!

Waxaa isagoo carcartiisa leh dib ubilowday lugtii labaad ee jaambiyoonkii kacdoonka Guga Carabta, markaana waxaa lagu dhaggan yahay Al-Bashiirka bidaarta weyn ee soddonka sano soo dul yuuraray Soodaan, iyo Buutafliiqaha sidii meydkii sariirta saaran ee Aljeeriya labaatanka sano kusoo maamulayay dimuqraadiyadda kushubashada ah!
Sidoo kale waxaa dagaalo ba’an oo kala-reeb ah dib uga qarxeen dalka baaba’ay ee Liibiya!

In Al-bashiir iyo Buutafliiqa caleentoodii cirka kasoo dhacday waxaad kugaran, Aljeeriyaanku waa dadka ugu geesisan Carab oo dhan, waa dadka si dalkoodu uga xoroobo gumeystihii Faransiiska kuwaayay hal malyan iyo bar qof. Waxaa lagu naanaysaa بلد مليون ونصف شهيد!
Buutafliiqa isagoo og taa kana mid ahaa dhalinyaradii gobonimadoonka waa isaga iscasilay, laakiin dadku wali waxay leeyihiin waa in taliskiisii oo dhan meesha kabaxaa!

Soodaantu laftoodu waa geesiyiin oo waa iyagii aadka ugu dhammaaday halgankii gobonimadoonka ee ay lagaleen Ingiriiska, waxaase usii dheer waa dadka Carab ugu dulqaaadka badan, hadday mar kacaanna aan lacelin karin! Marka ma aqaan in Al-bashiir uu sida saaxiibki Buutafliiqa isgaran doono oo talada bannayn doono iyo in uu sidii Qadaafi-gii Liibiya macangag noqon doono oo isaga iyo dalkaba lawaayi doono, inkastoo laleeyhay ciidamada badidoodu waa kasoo horjeedaan, dadkuna waxayba dalbanayaan in milatariga uu talada kuwareejiyo!

Cabdulqaadir M. Nuur

Image may contain: one or more people, crowd and outdoor
<