Safiirada Jarmalka oo la kulantay Madaxweyne Biixi

Safiirada Dalka Jarmalka ee qaabilsan Arimaha Soomaaliya balse fadhigeedu yahay Nairobi Annett Günther ayaa maanta waxay booqatay Hargeysa.

Kulankii ay la qaadatay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayay kawada hadlay Arimaha Dimoworaadiyenta iyo Mashaariicda ay Jarmalku ku caawiyaan Soomaaliland.

Madaxweyne Muuse biixi oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Twitterka ayaa isagoo ka hadlaya kulanka wuxuu yiri “Waxaan Safoirada wada falanqayna Arimaha Doorashada Naarlamaanka, Amaanka Gobolka iyo Mashaariicda hurumarinta”

Puntlandi.com
Hargeysa

<