Puntland oo dadaal ugu jirta soo celinta Mashruucii Wadada Garowe Gaalkacyo ee Horay ay Dowlada Jarmalku u joojisay

Mashruucaan oo ay ku bixi lahayd Aduun ka badan 30 milyan oo Dollar ayaa waxaa ku deeqay Dowlada Jarmalka si loogu dhiso Wadada Laamiga ahayd ee isku xirta Gaalkacyo iyo Garowe, balse Mashuuraca wajigiisii kowaad ayaa lagu eedeeyey in Xukuumadii hore ee Puntland ay musuqmaasuqeen tasoo dhalisay in Gabi ahaanba la joojiyo, Safaarada Jarmalka ee fadhigeedu yahay Nairiobi ayaa Warsaxaafadeed ay Sanadkii hore ay soo saartay waxay si cad u sheegeen in Lalunsadey dhaqaalihii u horeeyey ee lagu bilaabi lahaa Mashruucaan, taasina waxay meesha ka saartay kalsoonidii ay Dowlada Jarmalku ku qabtay in Mashuura uu miro dhalo,sadaas ayaana Dowlada Jarmalku ku joojisay oo ulalaabatay deeqdeedii lagu dhisi lahaa Wadada Garowe iyo Gaalkacyo isku xirta, sidaas ayaa warsaxaafadeedka lagu yiri.

Hadaba Xukuumada cusub ee Puntland ayaa hada isku dayaysa iney dib u soo celiyaan kalsoonida Iyo Mashruucaan si looga faa’iideysto deeqda ay Dowlada Jarmalku ay horay ugu deeqdey Shacabka Puntland.

Kulankii uu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani uu shalay oo axad ahayd uu Garowe kula yeeshay Annett G√ľnther oo ah Safiirada Arimaha Soomaaliya u qaabilsan Dowlada Jarmakla ayuu Mashruucaan kala hadlay, waxayna hada u badan tahay in dib loosoo cusboonaysiiyo Mashruucaan.

Hadii Xukuumada Puntland ay ku guulaysato soocelinta Mashruucaan oo ay ka mira dhaliyaan wuxuu noqonayaa mashruucii ugu weynaa ee Puntland soo mara wuxuuna horseedi doonaa Mashaariic noocaan ah in si fudud loogusoo gacan galiyo Puntland.

Xunuumadii hore ee Puntland ee uu hogaaminayay Madaxweyne PROFOSAR Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu eedeyey iney lunsadeen 5 milyan oo bilow u ahaa aduunkaan gaarayay 30ka milyan oo Dollar lacagtasoo ahayd bilowga Mashruucaan.taasina waxay dhalisay in gabi ahaan la joojiyo Mashruucii.wuxuu ahaa khasaate xoogan oo loo geystay shacabka Puntland.

Dowlada Jarmalku waxay hada balan qaadey iney soo celinayso wada shaqayntii Puntland iyo Jarmalka.

<