Dhagayso Ing.Yariisow oo u hanjabay Muuse Suudi iyo Qabqablaayaashii Dagaalka ee wali nool

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaasna ah maayarka Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa si adag wuxuu uga hadlay buuq ka taagan deegaan Dowladeed uu labaatan sano ka hor ku habsadey Sanator Muuse Suudi Yalaxoow oo ka tirsan Mudanayaasha Aqalka Sare, hareyna u ahaan jiray mid kamida Qabqablayaashii Dagaalka ee ugu saameynta weynaa Deegaanada Gobolka Banaadir iyo Shabelaha Dhexe xiligii Dagaalada sokeeye iyo kadiba.

Injineer Yariisow wuxuu hoosta ka xariiqay in Deegaanka ay leeyihiin Ciidanka Bada Soomaaliyeed aysan cidna xoog ku heysan karin xiligaan, sidaas awgeed laga waantoobo sheegashada sharci darada ah, lana baneeyo, ” Cidna kama yeelayno iney sheegato deegaan Dowli ah, ama waraaqo sharci daro lagu bixiyey ay ku sheegtaan Dhulaas” ayuu yiri Ing. Yariisow.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ing. Yariisow wuxuu baaq adag u diray haraagii Dagaal ogayaasha ee loo yaqaan Qabqablayaasha Dagaalka wuxuuna yiri ” Mardhow waxaa lagaarayaa xili maxkamad iyo sharciga la horkeeno Dambiilayaashii Dagaal/Qabqablayaashii Daagaal” .

Xero iyo Dhismayaal ay leeyihiin Ciidanka Bada ayaa waxaa degan Sanator Muuse Suudi, oo mudo labaatan iyo dhowr sano laga joogo uu ku habsadey, wuxuuna sheegay in Xukuumadihii hore ee kumeelgaarka ahaa ay u sharciyeeyeen Deegaankaan , Gobolka Banaadir ayaa laba todobaadd ka hor waxay ku baaqeen in Muuse Suudi uu baneeyo deegaankaan, laakiin Muuse wuu diidey, wuxuuna iminka keensadey Muqdisho boqolaal Maleeshiyo Beeleed ah kadib markii ay Xukuumada Federaalku ay ugu hanjabtay iney awood ciidan uga saarayaan Guryaha uu degan yahay ee muranku ka taagan yahay.

Dhanka kale Sanator Muuse Suudi Yalaxaw kama uusan jawaabin eedeynta uu usoo jeediyey Maayarka Muqdisho hada.

Waa markii u horaysay oo masuul ka tirsan Gobolka Banaadir ama Xukuumada Federaalku uu sidaan adag uga hadlo kuna dhawaaqo in Qabqablayaashii Dagaalka lala xisaabtami doono.

Horay ayaa Gudoomiye Yariisow wuxuu ku baaqay in Labaneeyo Deegaanada Dowliga ah iyo Guryaha xooga lagu heysto ee Dadka rayidka ah, si Muqdisho ay u noqoto Caasimad loo siman yahay, laakiin ilaa hada ma jirto cid u dhag jalaq siisay.

Dhanka kalena waxaa la isweydiinayaa qaabka ay Gobolka Banaadir ula xisaabtami karaan oo sharciga u horkeeni karaan Muuse Suudi Maadaama uu yahay Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo leh Xasaanad siineysa inaan dambi lagusoo oogi karin.

Hoos ka dhagayso Ing.Yariisow

<