Hindiya oo qorshaynaysa in ay dagaal ku qaado dowladda Bakistaan

Dowladda Bakistaan ayaa kadigtay  weerar uga yimaada dowladda Hindiya kadib markii labada dal uu xiriirkooda xumaada markii uu dhacay weerarkii Bakistaan ay ku soo riday diyaarad ay lahayd dowladda Hindiya.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Milatariga ee dalka Hindiya ay qorshaynayaan weerar ay qaadaan  inta udhaxaysa  April 16-ilaa 20ka bisha sida sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Pakistan, Shaah Maxamuud.

Waxa uu sheegay in golaha amaanka ee QM ay u gudbiyeen Cabashadda arrintaasi, wuxuuna ugu baaqay  Beesha Caalamka inay wax ka qabtaan mas’uuliyad-darradda dowladda Hindiya ku qorsheynayso dagaal ka dhan ah  Bakistaan.

 

<