Maraykanka oo qirtay in dad shacab ah lagu dilay duqeymo uu ka geytay Soomaaliya.

Maraykanka ayaa qirtay in dumar iyo carruur ay ku dhinteen duqaymo ay diyaaradahoodu ka geystaan koonfurta Soomaaliya

Waa markii ugu horeysay oo Maraykanku qirto khasaaraha shacabka kasoo gaaray weeraradiisa intii lagu guda jiray ololahiisa xagga cirka ee gudaha Soomaaliya.

Todobaad kahor, Maraykanka ayaa beeniyay warbixin kasoo baxday hay’adda udooda xuquuqda Aadanah ee Amnesty international, taasoo sheegtay in 14 shacab ah lagu dilay duqaynta Maraykanka.

Maraykanka ayaa duqeymaha cirka ka bilaabay Soomaaliya sanadkii 2011, xiligaasoo dalkaasi ka talinayay Obama

Tan iyo markii uu la wareegay Donald Trmp talada Maraykanka waxaa si xowli ah kor u ugu kacay tirade weerarada cirka uu Maraykanku ka geysanayo Soomaaliya.

Puntlandi.com

<