Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho

Qarax  jugtiisa inta badan laga maqlay  qeybo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa goor dhawayd waxa uu ka dhacay afaafka hore ee Iskuul Buluusiya ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay,lamana oga ila iyo haatan khasaaraha ka dhashay qaraxan.

Qaraxa kadib waxaa lagu soo waramayaa in la maqlayay rasaar ay iswaydaar sanayeen ciidamada iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Qaraxan ayaa imanaya xili magaalada uu ka socdo howlgalo guri guri ah ayna xiran yihiin intabadan waddooyinka  muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

 

<