Faah Faahin: Qaraxii magaalada Muqdisho iyo tirada dhimashada iyo dhaawaca

Ugu yaraad 15 qof ayaa ku dhaawacmay, waxaana ku dhintay ku dhawaad 10 qof oo kale qaraxii caawa ka dhacay degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banadir.

Gaadiidka Ambalaasta ayaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray kuwaas oo gurayay dhaawaca iyo meedka dadkii wax ku noqday goobta ay mashaqadu ka dhacday.

Ciidamad amniga ayaa xiray dhamaan wadooyinka soo gala Dugsiga tababarka Ciidanka Soomaaliya ee Genaraal Kaahiye .

Qaraxan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili Baarlamaanka ay u yeereen maanta Wasiirada Agmniga Gaashaandhiga, iyo Taliye yaasha ciidamada si wax looga waydiiyo xaalada amaan daro ee magaalada Muqdisho.

 

<