Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Garoowe ka dhagax dhigay Wadooyin Laami Ah.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhagax dhigay mashruuc ballaaran oo ka kooban Afar wado oo laami ah, kuwaasi oo laga hirgelinayo magaalada Garoowe.

Xafladda dhagax dhigga Jidadka Garoowe waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka socdey Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Fedraalka iyo Dimuquraadiyaynta, Wasaaradda Howlaha guud iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa ku dheeraaday Muhiimadda waddooyinku u leeyihiin dalka, Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay inay bilic iyo horumar ku soo kordhinayaan, waxa uu sheegay Mudane Karaash inay kalsooni ballaaran ku qabaan masuuliyiinta howsha gacanta ku haya, sida dawladda Hoose ee Garoowe iyo Shirkadda dhisaysa ee TTN.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa uga mahadceliyey cidkasta oo howshan baaxadda wayn kasoo shaqaysay, taas oo uu ugu horeeyo Bangiga Adduunka oo dhaqaalaha waddooyinka bixinaya, dowladda Hoose oo fulinaysa iyo Shirkadda dhisaysa.

Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka dowlada Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer ku tegay garoonka diyaaradaha ee Gen, Maxamed Abshir ee Magaalada Garowe, Madaxweynaha ayaa korjoogteeyey sida ay shaqadu u soco, waxaana uu shaqaalaha ku bogaadiyey howsha ay bulshadooda u hayaan, isagoona kula dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan.

-DHAMMAAD-

 

Sawiiro.

<