Khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Aqalka sare oo sabab u ahaa inuu Madaxweyne Farmaajo diido inuu furivKalfadhiga Aqalka sare

Shalay oo isniin ahayd waxaa furmay kalfadhigii 5aad ee Aqalka sare kasoo Dastuuri ahaan laga doonayay Madaxweynuhu inuu Furo kalfadhiga, laakiin Daqiiqaduhii u dambeeyey ayuu Madaxweynu wuxuu badalkiisa soo diray Raysal Wasaare Kheyre.

Dastuurka meelna ugama taal in Kalfadhiyada labada Aqal uu furo Raysal wasaaruhu laakiin Marti ahaan goob joog wuu ahaan karaa Raysal wasaaruhu.

Sanatarada Aqalka sare ayaa aad uga carooday Sababta uu Madaxweynuhu usoo diray Raysal wasaaraha iyadoo qaar ka mida Sanatarada ay qabaan in haduu Madaxweynuhu kas u gooyay ay habooneyd inuusan cidna soo wakiilan.

‘Wuxuu cududaar ka dhigtay Madaxweynuhu inuu shaqo Qaran oo muhiim ah ku mashquulsan yahay laakiin waxaa cajiib ah in Madaxweynuhu uu shalay oo dhan dhex fadhiyey Villa Soomaaliya, Malaha anaguu naga baqay inuu nasoo hof istaago,” waxaa sidaas yiri mid ka mida Sanatarada Aqalka sare.

Khilaafka Madaxweynaha iyo Aqalka sare ayaa hada u muuqda mid soo laba kacleeyay iyadoo uu dhinaca kalena buuq xoogan ka taagan yahay Aqalka hoose, Qayb kamida Xildhibaanada Aqalka hoose iyo Villa Soomaaæiya waxaa iyana ka dhexeeya Khilaaf weyn oo banaanka yaal kasoo sababay in Baarlamaankii la furi waayo.

Isqabqabsiga Waaxda sharci dajinta iyo Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xili magaalada Muqdisho amaankeedu uu faraha ka baxay.

Puntlandi.com
Muqdisho

<