Wasaaradda cadaalada Puntland iyo culimada oo isku raacay in qofkii Kufsi geysta uu dil mutaysanayo

Wasaarada Cadaaldu waxay maanta isugu yeertay Culimada Iyo Dhakhaatirta si ay dood uga yeeshaan kufsiga iyo ciqaabta uu mutaysan karo qofkii kufsi sameeya iyo haday jiraan eedo labada dhinac ah oo laysu jeedinaayo.

Waxaa la isku raacay inuu dil yahay qofkii kufsi geysta iyo iyadoo wixii eedo ahaa layska shifeeyey.

Waxaaa kaloo laga wada hadlay sidii xeerka kufsiga (Rape Act) oo Baarlamanku ansixiyey loo dhaqan gelin lahaa.

Waxaa naga go’an hadaan Bahda Wasaaradda Cadaaladda nahay ka dhabeynta inaan joojino guud ahaan kufsiga insha allah.

Puntlandi.com

<