(VIDEO) Wasiirka Maaliyada Puntland oo Qardho lagu soo dhaweeyay

Wasiirka wasaarada maaliyada dowladda Puntlanda ayaa maanta waxa uu soo gaaray degmada Qardho ee xarunta gobolka kar kaar, waxaan halkaasi ku soo dhaweeyay maamulka gobolka iyo kan degmada .

Wasiirka maaliyada Puntland Xasan Shire Abagaal ayaa sheegay in uu kormeerkiisa uu salka ku hayo ukuurgalida  goobaha  daqliga ee gobolka kar kaar.

Waxa uu sheegay in mas,uuliyiinta wasaarada maaliyada uu kala hadli doono sidii loo hor marin lahaa daqliga gobolka, loogana gudbi lahaa caqabadaha jira.

Wasiirka ayaa horay  u soo maray kastamka wasaarada maaliyada ee gobolka Sool, waxaana safarkiisa kan xiga lafilayaa in uu ku yimaado magaalada Bosaaso.

Waa kormeerkii ugu horeeyay oo uu Wasiirku ku yimaado degmada Qardho tan iyo markii xilka loo magacaabay .

Daawo.

Qardho muuqaal kooban Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa gaaray Degmada Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar.Safarkan Wasiirku ku tegay Magaalada Qardho ayaa ahaa kormeer shaqo oo ku aadan kobcinta takhliga Wasaaradda Maaliyadda. Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Slået op af Wasaaradda Maaliyadda Puntland i Søndag den 31. marts 2019

 

Sawirro.

<