(VIDEO) Askari katirsan laanta Canshuuraha ee Xamar oo darawal gaari Bajaaj ku dilay Muqdisho iyo Gudoomiye Yariiso oo Amray in la soo xiro

Dad badan oo maanta isgu soo baxay waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay dhigeen dibad bax ay uga soo hor jeedeen dilka Darawlka gaari Bajaajta.

Halka uu dilku ka dhacay ayaa wax yar ujirta albaabka laga galo madaxtooyada Soomalaiya .

Shacabka Muqdisho ayaa horay waxa ay dhibaato ugu qabeen xirnaanshaha waddooyinka uxiran ciidamada dowladda oo ka cabsnaya qaraxyada Ismiidaaminta ah ee Al-shabaab.

Gudoomiye Yariiso ayaa arintan ka hadlay.

"Ma la aqbali karo in dhalinyarada Bajaajka wada oo halbowle u ah horumarka Caasimada loo geysto dil. Waxaan amray Hay'adaha Amniga inay soo qabtaan askariga Munishiibiyo ee falkaas waxashnimada geystay."Gudoomiyaha Gobolka banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow)

SlÄet op af Amina Ladan Axmed i Mandag den 1. april 2019

<