(Dhegayso) Madaxweyne Deni oo ku wajahan dalka Isutaga Imaaraadka Carabta

Dowladda Puntland ayaa xiriir soo jireen ah laleh dowladda Imaaradka Carabta oo Puntland ka taageera tababarada ciidamada Badda Puntland ee PMPFta iyo bixinta mushaharka ciidamada.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo shalay Booqday xarunta ciidamada PMPFta ayaa dowladda Imaardka Carabta ku amaanay sida ay markasta Puntland ula garab taagan tahay horumarka iyo dhismaha ciidamada badda Puntland.

Ciidamada bada Puntland ayaa waxa ay saldhigo ku leeyihiin dhamaan xeebaha ku dherersan bad waynta Hindiya,  Badda cas iyo dhulka beriga ah oo ay Argagixisada kujirto.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa uu ku tagi doono dalka Imaaradka Carabta waxa uu salka ku hayaa sidii laysala meel dhigi lahaa mashruucii balaarinta  dekeda Bosaaso oo ay hirgalisay dowladdii hore ee Madaxweyne Cabdiwali cali Gaas.

Dhegayso.

 

<