Xawalaada amal ee Denmark oo lacag ugu deeqday dhismaha Wadada Wadaagsin ee Gobolka Mudug

Xawalaada amal ee Denmark ayaa lacag gaaraysa 5000 USD (Shan kun oo dollar) ugu deeqday dhismaha wadada Wadaagsin ee Gobolka Mudug, lacagtaan oo lagu wareejiyey Gudiga dhismaha Wadada ayaa uga mahadceliyey Xawalaada amal ee Denmark deeqda ay soo gaarsiiyeen.

Dhismaha wadada Wadaagsin oo qayb ka ah Barnaamijyada iskaa wax u qabso ee Bulshadu wado ayaa waxaa dhismeheeda ka qaybqaadanaya Ganacsatada iyo Jaaliyadaha Diba, mana ahan markii ugu horaysay ee dhaqaale ka yimaado dalka denmark, todobaadkii hore ayaa Jaaliyada Dalkaas waxay Mashruuca dhismaha Wadada soo gaarsiiyeen Aduun gaaraya 15,000 USD.

puntlandi.com
Denmark

<