
Wasiirka wasaarada maaliyada ee dowladda Puntland Shire Xasan Abgaal ayaa maanta baarlamaanka Puntland waxa uu horgeeyay Miisaaniyada sagaalka bilood ee soo socota.
Wasiirka ayaa Xildhibaanada ka codsaday in ay anisixiyaan Miisaaniyada maadaama aysan Baarlamaankii hore ansixin.
Wasiirka ayaa sheegay in inta uu shaqada ku cusub yahay lagu sii dhaqmi doono Miisaaniyadii hore ee aan la ansixin maadaama ay mudo ku qadanayso in soo sameeyo Miisaaniyad ka duwan tii hore.
Dhegayso Xildhibaanada oo sidan u dhigay doodooda ansixintii Miisaaniyada ka hor.