Xubno katirsan Daacish oo ka soo dhagaalamay gobolka Bari oo Muqdisho lagu Xukumay

Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magiciisa afarashadu yahay  Suheyb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali  oo magiciisa afgarashadu yahay Qudaama oo kamid ahaa Daacish ayaa laugu xukumay min lixsano oo xabsi ah.

labadan Nin ayaa sheegay in ay tageen magaalooyinka Bosaaso iyo Gaalkacyo sanadkii 218kii igaoo uga sii gudbay Buuralayda Calmadow si ay uga bar bar dagaalamaan Daacisho.

Xuseen Cali oo Al-shabaab ku biiray  2014, ayaa waxa uu afkiisa ka qirtay in adeerkiis uu gowracay.

Ragan ayaa magaalada Muqdisho waxa ay yimaadeen 20/11/2018  fuliyaan amarrada Saraakiisha Daacish ee ku sugan qaybo kamid ah gobolka Bari.

Eedeesanaha labaad oo magaciisa afgarashada loo yaqaan Qudaama ayaa Al-shabaab waxa uu ku biiray sanadkii 214kii -216kii.

isla sanadkii 216kii waxa uu ku biiray kooxda Daacish,isagoo tababar ku soo qaatay Buuralada Calmadow oo kooxdan Argagixisada ah gabaad  u ah.

 

Sawiro.

<