Wasiirkii Warfaafinta Somaaliland oo loo xiray fal musuq maasuq

Magaalada Hargaisa ee xarunta maamulka Somaaliland waxaa lagu xiray Wasiirkii Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo iyo Agaasimihii Wasaarada, kadib markii guddiga hanti dhowrka mamaulkaasi uu ku soo eedeeyay  Wasiirka iyo Agaasimaha  in ay musuq maasuqeen mushaharkii shaqaalaha wasaarada  Warfaafinta maamulaasi Hargaisa .

Warar hoose oo uu helayo warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegaya in sacaada kadib la siidaayay Wasiirka iyo Agaasimaha kadib amar ka soo baxay madaxweynaha maamulaka Jeegaanta ee Muuse Biixi.

 

Wasiir horay uga tirsanaa maamulaka Jeegaan ayaa qirtay in uu cunay hantidii dadweyne, isagoo dalbaday in laga cafiyo .

 

<