Jaaliyada Puntland ee Waqooyiga Denmark(Aarhus) oo dhaqaale ku taageeray Dhismaha Wadada Wadaagsin ee Gobolka Mudug

Jaaliayada Puntland ee Waqooyiga Denmark oo xaruntoofu tahay Magaalda Aarhus oo Caasimada labaad ee Dalkaas ah ayaa Lacag ugu tabarucay fhismaha wadada Wadaagsin ee Gobolka Mudug.

Kulan ay isugu yimaadeen Gudiga Aaliyada iyo Xubno ka socda Waxgaradka Jaaliyada ayaa lagusoo bandhigay lacag dhan Shan iyo tobaan kun oo Dollar (15,000 USD) tasoo lagu wareejiyey Gudiga dhismha Wadada.

Gudooomiyaha Jaaliyada Puntland ee Denmark Abshir Shheikhdoon oo Puntlandi.com la hadlay ayaa uga warbixiyey Tabarucadaan.

Gjdoomiyuhu wuxuu yiri “Jaaliyadaan waa jalaayida qura ee ugu horaysa ka jawaabida baahida kasoo yeerta Dalka, ma aha markii kowaad ee Mashruucaan Wadada Wadaagsin ay Jaaliyadu taageerto, Waxaan had iyo jeer Jaaliyadaha kalee Qurbajoofta Puntland aan ku boorinaa Taakulaynta Dadkii iyo Dalkii, hadaana waxaan ugu baaqayaa in Sanadkaan 2019 uu halku dhaga Reer Puntland uu noqdo Dadkii oyo Dalkii dib haloo fiiriyo, oo Jaaliyad walbaa ha isxilqaanto si looga hortago Baahiyada soo noqnoqda sida Boya la’aanga iyo Abaaraha.”

Xubno ka tirsan Waxgaradka Jaaliyada oo iyana madasha ka hadley waxy xubnaha Jaaliyada uga mahad celiyeen sida ay ugu heelan yihiin waxwada qabsiga iyo istaakulaynta.

Culumada Jaaliyada ayaa iyana sheegay in kharashaadka ay Jaaliyadu dirto ay tahay sadaqo sax ah oo gaarta Dadkii ay ku habooneyd in la taageero.

<