(Akhriso ) Alshabaab oo shaaciyay sababihii ay uweerareen Wasaaradaha shaqada & H/ Guud

Kooxda Argagixisada ee  ka dagaalanta Soomaaliya ee  Al-shabaab ayaa  waxa ay ka hadleen sababihii ay u weerareen shalay  Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha iyo  Howlaha guud .

Afhayeenka howlgalinta kooxda Al-shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab oo lahadlay warbaahinta ku hadashay afka Al-shabaab ayaa sheegay  arimahan hoos ku xusan oo laka ah:

1-in wasaaradahan ay qorayeen ciidamo ladagaalama Al-shabaab,kadib markii ay ogaadeen xogtaasina ay udireen xubno ay ugu yeereen istish haadiyiin, oo macnaheeda uu yahay ismiidaamiye yaal.

2- in ay shaqaalaysiinayeen  wasaaradahan basaasiin dhib ku haya Culimada  iyo dadka diin ehelka u ah.

3- waxa uu sheegay Abuu Muscab in wasaaradahan ay qayb ka ahaayeen mashruuca isxilqaan ee lagu dhisayo Tiyaatarka Qaranka .

4-Shabaabka ayaa dadka uga digay in ay ku biiraan ciidamada ay dowladda qoranayso.

Hadaba hadalka ka soo baxay Afhayeenka howlgalinta Al-shabaab Abuu Muscab ayaa ah mid muujinaya sida ay Shabaabku sir doonkood ay ugu dhex milan yihiin laamaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya,taas oo cadayn u ah sadaxda qodob ee kor ku xusan.

 

 

<