(Sawirro) Ardaydii ku dhimatay shilkii gaari ee shalay ka dhacay Bosaaso oo la,aasay

Magaalada Bosaaso waxaa galabta lagu aasay Allaha unaxariistee 5 Arday oo  ku dhintay shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Bosaaso, kuwaas oo dhigan jirtay Dugsiga sare ee Xaaji Yaasiin Bosaaso .

 

Aaska Ardayda ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka gobolka, kan degmada Bosaaso, maamulka dugsiga sare ee Xaaji Yaasiin iyo dadweyne farabadan.

 

Ardayda Dugsiyada sare iyo Hoose ayaa maanta lafasaxay si loola qaybsado dareenka waalidiinta ay ka dhinteen ubadkooda.

 

Daawo.

 

<