Puntland oo sheegtay in 20 katirsan malayshiyaadka Al-shabaab ay ku dileen Howlgalo laga sameeyay Buuralayda Calmadow

Ciidamada difaaca ee dowladda Puntland ee PSFta ayaa howlgalo qorshaysnaa oo ay ka sameeyeen buuralayda Calmadow  ee gobolka Bari waxa ay ku dileen ilaa iyo 20 ka tirsanaa malayshiyaadka Argagixisada Al-shabaab ee ku dhuumaalaysanayay halkaasi .

 

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgaladan ay ka sameeyeen ciidamada deegaano ay kamid yihiin Madarshoon, Karin-xagarood, Mariidle iyo Diindigle ee buuraleyda Calmadow.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa dhawaan sheegay in Argagixisada ku dhuumaalaysanaysa Buuralayda Calmadow ciidamadu ay soo afjari doonaan.

Puntlandi.com Bosaaso .

<