Fadeexad cusub — Beesha Caalamna oo kulankii maanta ka dambeysay in la isugu yimaado,maxay tahay sababtu?

Warar Dumblamaasiyadeed oi lagu kalsoon yahay ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey in kulankii maanta dhex maray Raysal wasaare Kheyre iyo Safiirada Beesha Caalamka oo uu weheliyo Taliska Amisom uu ahaa mid ay ka dambeeyeen, isu imaadkiisana ay dalbadeen Safikrada Midowga Yurub.

Dublamaasi la hadlay Puntlandi ayaa yiri “waxaa habooneyd in Raysal wasaaruha iyo Madaxweyhu ay iyagu isugu yeraan Gudiga Golaha Wasiirada ee Amnigu qusayo, Gudiga Amniga ee Baarlamaanka iyo Taliyaasha Ciidamada oo u dhigma Gudiga Amniga Qaranka,ayna kaga arinsadaan weerar ka maanta Muqdisho lagusoo qaadey, wixii kaalmo ah ee ay u bashdaana ay waydiistaan Beesha Caalamka amaba ay gadaal kala kulmaan, waa fool xumo in Xalane lagasoo Abaabulo kulan noocaan ah”

Wuxuu kaloo raaciyey ” waan dareemi karaa sababta keentey in Beesha Caalamku ay u yeeriyaan Raysal wasaaraha sababtoo ah iyagaa garan waayey iney xaaladaas deg dega ah ay ka arinsadaan”.

Kulanka waxaa Fadhiyey Raysal wasaaraha ,Safiirada USA,UK , Xubno ka socda EU iyo Taliska Amisom waxaa iyana gpob joog ahaa Taliyayaal ka socda sector 3 iyo sector 4 ee Ciidanka Amisom oo u badan Saraakiil Itoobiyaan ah iyo labo taliye oo Ciidanka Soomaalida ka socda oo mid ahaa Amaanduule Indhaqarsho, waxaana looga arin sadey sidii laga yeeli lahaa weeraradaan soo batay ee ay Al-shabaab kusoo qaadeen Muqdisho.

Tani waxay muujineysaa laba arimood oo kala ah ,

  • In uusan jirin Gudi Amni Qaran oo Muqdisho leedahahay ama awooda iney Talo isigu yimaadaan ama talo keenaan iyo tan kale oo ah
  • IAmnigii Muqdisho oo faraha ka baxay.

Shantii weerar ee maanta oo sabti ah lagu qaadey Muqdisho waxaa ku geeriyooday 14 Qof, dhawucuna 20 ayuu gaarayay,

 

Puntlandi.com

Muqdisho

<