BREAKNG:NEWS:- Ra’iisal wasaare Kheyre oo kulan deg deg ah isugu yeeray Taliska ciidamada Amisom

Ra’iisal wasaaraha  dowladda Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah caawa isugu yeeday Taliska Nabad ilaalinta ee Amisom iyo qaar kamid ah Safiirrada Beesha Caalamka ka jooga gudaha Soomaaliya .

Kulan waxaa looga hadlayaa xaaladaha Ammaan ee dalka iyo sidii ay Amisom ula iman lahayd qorshe cad oo lagula dagaalamo Al-shabaab.

 

Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay Al-shabaab labad jibaareen weerarada iyo qaraxyada ay ka fulinayaan xarumaha dowladda ee magaalada Muqdisho oo ay ugu dambaysay weerarkii maanta lagu qaarada wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.

Ciidamada Amisom ee jooga gudaha Soomaaliya ayaa u muuqda kuwo aan u howlgalin sidii loogu talagalay, iyagoo aan soo dhaafin xarunta madaxtooyada .

lama oga ilaa iyo haatan waxa ka soo baxi doona shirkan looga hadlayo amnaaka magaalada Muqdisho.

Sawirro.

<