BREAKING:NEWS: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhawayd lagu dhuftay xaruta wasaarada  shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda Soomaaliya .

 

jugta qaraxa ayaa waxaa laga maqlay dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana cirka isqabsaday Qiiq iyo uuro.

waxaa lagu soo waramayaa in uu jiri khasaare ka dhashay qaraxan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac .

 

Rasaar teel teel ah ayaa laga maqlayaa gudaha xarunta, waxaana suurta gal ah in ayn gudaha ugaleen qaar kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday.

Wasaarada shaqada iyo shaqaalah ayaa waxa ay ku taala isgoysta Jubba dhinaca degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir .

lasoco faah faahinta weerarkan iyo wixii ku soo kordha.

<