(VIDEO) Kheyre:”Maxay ciidamadu u kala tegi waayeen hadii aysan muddo sanad ah mushaar qaadanayn.?”

Ciidamada dowladda ayaa isga soo baxay qaybo badan oo kamid ah saldhigaydii difaaca ee ay kaga jireen goboldada koonfureed ee dalka Soomaaliya kadib markii ay waayeen mushaharkooda mudo sanad ah.

Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Muqdisho ka sheegay in uusan jirin askari kule dowladda wax mushahar ah.

Hadalkaasi ayaa sababay in ciidamada ay isaga soo baxaan goobihii ay kula dagaalamayeen  Ururka Al-shabaab, waxaana deegaanadii ay ka soo baxeen ciidamada dib ula wareegay  kooxda Al-shabaab.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa faraha ka baxay, waxaana magaalada ka dhacay xalay qarax laga soo buuxiyay gaari nooca raaxada ah.

Maanta oo jimce ahna waxaa xaafado kamid ah magaalada Muqdisho ku dagaalamay ciidamo ka wada tirsan dowladda .

 

<