Faalada Jamcada–Guuxa Ciidanka aan Mushaar qaadan ” Ciidan Qaran mise Maleeshiyaad Beeleedyo”

MuyaKumayaal Askar iyo Maleeahiyaad isugu jara oo waxaa jira ku mushaar qaata Magaca Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, inkastoo waayadaan dambe ay socotay Diiwaan galin ciidan hadana waxaa isdiiwaan galiya maleeshiyo beeledsyo wali ku shaqeeya qaab beeleed kuwasoon cidna ka amar qaadan,hadaba maxaa ka jira Hadalkii raysal wasare kheyre ee uu kaga hadlayay Ciidamo ka gadoodsan Mushaar la”aan ee ahaa ” Ciidamdaan nooma rajiistaraysna sidaas awgeed mushaar xaq uma laha ,

Malaayiin Doolar ayaa deeqbixiyaashu ku bixiyeen sidii loo dhisi lahaa ciidan qaran oo Soomaaæoya ay yeelto, Xukuumadii hore ee Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa la bilaabay qaab loo gu kala saarayo Ciidamada saxda ah iyo Maleeshiyaadka ku qaraabta magaca Ciidanka,Beesha Caalamku waxay bixiyeen dhaqaale lagu hirgalinayo Mashruucaan Lagu dhisayo Ciidanka Qaran, nasiib daro dhaqaalahaas waa la musuqmaasuqay.

Xukuumda Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Kheyre markii ay talada la wareegeen waxaa la soo cusboonasiiyey Mashruuca Qaabaynta Ciidanka, Wasaarada Gaashaandhiga ayaa Beesha Caalamka waa deeqbixiyaashee waxay hor dhigeen Mashruuca si dhaqaale loogu helo qaabkii loo dhisi lahaa Ciidan qaran.

Laakiin wasaaradu waxay hilmaantay in Marar badan mashruucaan horay loo dalbaday, shaqaale badana lagu cunay.

Beesha caalamka oo ka duulaysa iyagoon wali ka rajo dhigin in bal mar uun Soomaaliya loo sameeyo Ciidan la wareega ilaalinta amaanka ayaa waxay marakan yiraahdeen Okay waan aqbalaynaa Mashruuca laakiin marakan anagaa taladiisa la wareegayna.

Waxay iyagoo kaashaanaya Xukuumda Soomaaliya ay bilaabeen Diiwaan galinta Ciidanka, qorshuna ma ahan oo kaliya in Ciidanla laga diiwaan galiyo Muqdisho oo qura laakiin halkaas ayaa laga bilaabay.

Ciidan gaaraya 3500 ayaa laga diiwaan galiyey Muqdisho iyo nawaaxigeeda , waxaa intaas dhee Ciidanka Ku jira furumaha oo ay wada shaqeeyaan AMISOM kuwaas oo gaaraya 2300 waxayna kuwaas mushaarkooda u helaan Toos iyagoo qayb ka ah mashruuca AMISOM.

Kuwa la diiwaan gashay waxaa Mushaarkooda loosoo mariyaa Wasaarada Maaliyada, Mushaarkoodana waa helaan inta badan.

Kumayal Maleeshiyaad ah ayaa iyana jira kuwaasoo siyaabo kala duwan dhaqaale ugu hela magaca Ciidanka laakiin kuwaas badankooda waayadaan dambe dhaqaalihii waa laga jaray, waana kuwa hada sheegay iney yihiin Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo gadooday

Wax Xamar ka cusub ma aha in dhaqaale lagu cuno Magaca Guud ahaan umada Soomaaliyeed, Qolyaha hadaka cabanaya Mushaar la’aanta 79% Ma ahan Ciidan Dowladeed ee waa Maleeshiyo Beeleesyo aan cidna ka amar qaadan.

Dhanka kale Xukuumada Federaalka ruuxeeda ayaa ku jaha wareersan Ciidankeeda u Ddiiwaan gashan oo ma yaqaanaan Ciidanka Diiwaan gashan goobaha ay joogaan , aan ka ahayn In markay isdiwaan gaminayeen ay Xero magac leh joogeen, qaarkood maalinta Mushaarkay isasoo xaadiroyaan markii loo baahdana lama helo.

Iskusoo duube Raga qaylinaya halasiiyo lacagahooda ay baada kaga qaataan Villa Soomaaliya ama Villada la isugu imanayaa.

Puntlandi.com
Kismaayo

<