(Dhegayso) Gabar 12jir ah oo degmada Burtinle lagu kufsaday

Magaalooyinka waawayn ee Puntland ayaa maalmihii udambeeyay waxaa caado ka noqoday  kufsiga sida wadarta ah loogu gaysanayo gabdhaha da,dooda ay ka hoosayso 15 sano .

 

Magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal waxaa kufsi loogu gaystay Roodo Cabduqaadir Xasan Isxaaq oo ah gabar 12 sano jir ah.

Falkan ayaa waxaa gaystay saddex wiil oo gabadhan daris la ahaa.

Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay ragii gaystay falan kufiga ah, waxaana gabadhan lagu dabiibayaa Isbitaalka degmada Burtinle.

 

Maxkamadaha kuyaala deegaanada Puntland ayaa dhawaan waxa ay xukuno ciqaab iyo xarig isugu jira ay ku rideen dhalinyaro sidan oo kale lagu helay kiis kufsi ah.

Dad badan ayaa aaminsan in hadii lagu dhaqmi lahaa shareecada Islaamka kiisaska kufsiga la soo afjari laah,base dhalinyarada kufsiga gaysata ayaa waxaa soo daaya oo ka daba taga odayaasha dhaqanka oo arinta kufsiga  ah ku xaliya xeer jajab.

 

Qaybaha kala duwan ee bushada ku dhaqan degmada Burtinle ayaa maanta ka shiray dhacdadan waxayna ka hadleen sidii  ay arintan wax looga qaban lahaa.

Dhegayso.

 

<