(Dhegayso) Baroor diiq loo sameeyay dadkii lagu xasuuqay dalka News Zealand

Wadanka News Zealand  ayaa maata waxaa looga baroor diiqay dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Masjidka Al-Noor  oo ay ku dhinteen dad muslimiin ah oo gaarayay 59 qof.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern ayaa  ayaa ka mid ahayad kumannaan ruux oo ku baroordiiqayay meel u dhow masaajidka Al-Noor oo ka mid ah labadii masjid ee dadka lagu laayay.

Masjidyada ku yaala dalkaasi ayaa 2 daqiiqadood laga aamusay maanta dadkii ku dhintay weerkaasi waxaana halmar laga maqlay aadanka salaada Jimce.

Weerarkan ayaa waxaa gaystay Brenton Tarrant, oo u dhashay dalka Australia waxaana la soo taagay maxkamad ku taala dalka News Zealand  todobaadkii hore.

<