Nin reer Manchester oo ka danqadey weerarkii Newzealand ayaa waardiye ka ahaa Salaadii Jamcada ee Manchester

Andrew Graystone oo Reer Manchestar ah, waa Dalka Ingiriiskee ayaa wuxuu yiri

  • ” Markaan maqlay weerarkii Axmaqnimada ahaa ee lagu qaadey laba Masjid oo ku yaal Newzealand waxaan go’aansadey inaan qabto waxaan awoodo”

Andrew Graystone wuxuu soo aadey Masjidka Madiina ee ku yaal Magaaladiisa Manchester Jamcadii 15 maarso oo ahayd maalintii xasuuqu ka dhacay Newzealand , wuxuuna soo qaatey Tabeele uu gacantiisa kusoo qoray kadibna wuxuu soo hor istaagay Madjidka oo Salaadii jamcada la isu diyaarinayo, Tabeelaha waxaa ugu qoraa

  • “WAAAD TIHIIN SAAXIIBADEY EE SALAADIINA TUKADA ANAA IDIN ILAALINAYA INTAAD TUKANEYSAAN”.

Andrew Graystone wuxuu ka mid yahay kumayaal  qof oo ka danqaday weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Magaalada Christchurch halkasoo ay ku nafwaayeen 50 qof oo muslim ah.

Dadka reer Newzealand ayaa muujiyey iney ka xun yihiin weerarka lagu qaadey Masaajidyada waxayna Geedo qoyan iyo Ubaxyo dhigeen Masaajidyada hortooda.

Maalaayiin Doolar ayaa shacabku u ururiyeen Qoysaskii uu saameeyey weerarku mudo 24 saac gudeheef ah,

mid ka mid ah Masuuliyiintii isu xilqaamay ururinta dhaqaalahaan ayaa yiri ” Waan ogahay lacag la ururiyaa idiinma soo cenlinayso Eheladiina ku nafwaayay ama waxyeeloobay weerarkaan laakiin dhibka iyo murugadaan idinla wadaagaynaa”

Lacagta ay Reer Newzealan u ururiyeen qosaska uu saameeyey weerarku waxay hada maraysaa 6 milyan oo doolar,lacagta waxaa lagu ururuyey Internetka.

Maxaan kaloo ka ognahay weerarka ilaa hada…

  • Dhimashadu waa 50, qof ayaa dhaawicii u geeroyooday sabtidii
  • Dhaawucu waa 34, 11 kamid ah wali waa lala tacaalayaa daweyntooda oo dhawocoodu wuu cuslaa.
  • 7 qaliin oo saacado qaatay ayay dhakhaatiirtu sameeyeen.
  • Gabar 4 sano jir ah waxaa isla jamcadii loo duuliyey Isbitaalka Guud ee Starship Hospital oo ku yaal Magaalada Auckland.
  • M15 waxay sheegeen in Ninka weerarka geystay uu xiriir la lahaa kooxa Xagjirka ah ee Dalka Ingiriiska. (M15 Waa sirdoonka Ciidanka Ingrisska)

Puntlandi.com