Newzealand — Eheladii oo qaarkood meydadkii lagu wareehiyey iyo Raysal wasaarada oo ka hadashay


Dadkii ku geeriyooday Weerarkii lagu qaaday labada Masjid ee Dalka Newzealand ayaa wali eheladoodii ay sugayaan si ay u aastaan.

Raysal wasaarada Newzealand Jacinda Ardern ayaa sheegtay in ay wakhti qaadaneyso in la aaso Meydadka waayo wali Boolisku waxay wadaan baaritaan, Ehelada qaarkood waxaa lagu wareejiyey Meydka Dadkoodii caawa oo axad ah wakhtiga Newzealand. Inta hartayna tartiib tartiib ayaa loo fasaxayaa ugu dambeyn Arbacada.

Raysal wasaarada Dalka Newzealand oo si dhow ula socota xaalad baaritaanka.

Kumuyaal qof oo reer Newzealand ah ayaa la filayaa iney kasoo qayb galaan Aaska, inkastoo aan wali la shaacin ximiga ugu horeeya ee la aasayo Meydadka ay Bileysku ku wareejiyeen Ehelada.

Puntlandi.com
Australia