(Dhegayso) Duulimaadyadii Bosaaso iyo Dubai oo loo wareejiyay Garoowe

Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada ee dowladda Puntland  Xuseen Cismaan Lugatoor ayaa  sheegay in duulimaadyadii garoonka diyaaradaha ee Dubai iyo Bosaaso loo wareejiyay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in labada isbuuc ee soo socda garoonka diyaaradaha ee Garoowe si toos ah uu u bilaabi doono duuliyamaadyada caalamiga ah.

Hadalkan ayuu ka sheegay wasiirka xili shalay uu madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu daah furayay keedka haamaha shidaalka ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe .

Halkan ka dhegayso.