Ganacsatada Dekada Berbera oo shaqo joojin sameeyay

Ganacsatadii wax kala soo dagi jirtay Dekada magaalada Berbera ayaa maanta gabi ahaanba joojisay in ay wax badeecad ah ay  kala soo dagaan Dekadaasi kadib markii maamulka Muuse Biixi iyo shirkada   DP-world ay ku heshiiyeen in canshuur laba jibaar ah  lagu soo rogo ganacsatada   .

Mid kamid ah ganacsatada Dekada Berbera oo lahadlay warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegay in canshuurta markii hore ay ahayd 7000 kun oo shilinka Soomalailand ah, halka haatan laga dhigay 8500 oo shilinka Somaliland ah,taas oo ah mid aan ganacsatada u cuntamin.

Arintan ayaa waxa ay sababtay in ay hakad gasho shaqadii ka socotay Dekada Berbera,waxaana  haatan socda shir udhexeeya ganacsatada iyo mamaulka Shirkadda DP World .

Gudoomiyaha Shirkada DP World  ayaa wakaalada ayaa sheegay in shaqaalihii  ajnabiga ahaa ee Shirkada ay isga baxeen Dekadaha Berbera iyo Bosaaso, sababo la xiriira amnigooda.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxa ay ganacsatadu la kulmayeen cadaadsi iyo canshur xad dhaaf ah oo uu ku soo rogo.

 

<