(Dhegayso) Wafdigii ka socday Puntland maxay ku soo arkeen gobolka Sanaag ?

Wafdigii ay dowladda Puntland udirtay gobolka Sanagaa si ay u soo arkaan deegaanada la sheegay in malayshiyaadka Muuse Biixi ay ku soo duuleen ayaa ka warbixiyay wax yaabihii ay ku soo arkeen deegaanadii ay tageen.

Wafdigan ayaa waxa ay isugu jireen Xildhibaan, Wasiiro, iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolkaasi Sanaag .

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Dhoore oo kamid ahaa Xildhibaanadii gaaray deegaanka Yube ayaa sheegay in halkaasi aysan ku soo arag malayshiyaad ka tirasan Soomaaliland oo la wareegay deegaanka Yube.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in wararkii lagu baahiyay baraha Bulshada ee ahaa in gobolka Sannaag ay soo galeen malayshiyada Muuse Biixi ay tahay mid been ah oo la faafiyay,balseĀ  waxa uu sheegay in malayshiyaadku ay dagan yihiin galbeedka deegaanka Yube.

Xildhibaanka ayaa sheegay in deegaanadii ay mareen ay ka jirtay Abaar baahsan oo daka iyo duunyaduba saamaysay .

Dhegayso.

<