(Dhegayso) Madaxweyne Deni oo maanta xariga ka jaray keedka haamaha Shidaalka ee Garoonka diyaaradaha ee Garoowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa maanta si toos ah xariga waxa uu uga jaray keedka haamaha shidaalka ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, kaas oo ay diyaaraduhu  shidaalka ay ka qaadan doonaan .

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in wajiga Puntland uu yahay in la helo garoon caalami ah oo ay diyaaradaha ku soo dagaan, taas oo sahlaysa in Puntland ay hesho maalgashi shisheeye.

Ganacsatada hirgalisay mashruucan ayuu uga mahad celiyay madaxweyne Deni  sida wanaagsan oo ay maalkooda iyo hantidooda ugaliyeen dalkooda.

 

Madaxweynaha ayaa waxa uu balan qaaday in xagaaga soo socda magaalada Garoowe uu ku qaban doono shirwayne looga hadlayo shuruudaha maalgashi ee deegaanada Puntland.

Dhegayso.