(Akhriso )Ciidamo ka tirsan Puntland oo Galgala isaga soo baxay iyo Al-shabaab oo ku soo wajahan deegaankii ay ka soo baxeen

Ciidamo isugu jira Booliis iyo Daraawiis  ayaa ka soo baxay maanta fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Galgala ee gobolka Bari oo ay ku la dagaalami jireen Argagixisada Al-shabaab .

 

Ciidamadan oo aan tiradooda la sheegin ayaa u soo ruqaansaday deegaan aan sida auga fogayan halkii ay ka soo guureen oo lagu magacaabo Jimbac.

 

lama oga sababta ay ciidamadan uga soo baxeen fariisinkii ay ku lahaayeen Buuralayda Galgala ee gobolka bari,balse wararku waxa ay sheegayaan in ciidamadan mudo dhowr bilood ah uu ka maqan yahay mushaharkii ay qaadan jireen.

 

Dowladda  Puntland ilaa iyo hada kama aysan hadlin bixitaanka ciidamadan.

 

Dhawaan ayay ahayd markii uuxilka iska casilay taliyihii ciidamada Daraawiishta Puntland Cabdi Shukir,oo lii iyo haatan warbaahinta usheegin sabatii uu isku casilay.

Al-shabaab iyo Daacish ayaa laga cabsi qabaa in hadii ciidamadan ay ka soo baxeen deegaankaasi ay ku soo laabtaan.