Waa sidee Xaalada Newzealand ka dib weerarkii Salaada Jamce oo 49 dhimatay

Dalka Newzeal oo hada ay u tahay subax sabti ah ayaa xalay oo jamce ahayd xagooda waxay ku seexdeen.murugo iyo weerar dhiig badan ku daatay oo lagu aaaday Laba Masjid oo Dalkaas ku yaal.

  • 49 qof ayaa ilaa hada la xaqiijiyey geeridoodu oo ay 4 Soomaali yihiin
  • Cunug yar oo afar sano jir ah dhawac halisana soo gaaray waxaa loola ooduuliyey Isbotaalka¬†Starship Hospital i oo ku yaal Magaalada Auckland.
  • Dhamaan Xafladihii laqaban lahaa maanta oo sabti ah(xiliga Newzealand) waa la baajiyey guud ahaan Dalka oo uu kujiro Festifalka¬†Polyfest.
  • Sadex Soomaali ah ayaa dhawac ah Dhawacooduna halis ma aha.
  • Dhamaan masjidyada Newzealand waxaa la geeyey Ciidan oo waa la ilaalinayaa , Waxaana shacabka loogu baaqay iney Maalmahaan ay Salaadaha ku tukadaan guryaha.

Inta badan caalamka oo dhan waa la cambaareeyey weerarkaan.meelo badan oo Yurub ah waxaa shacabka.Muslimiinta loogu baaqay iney foojignaadaan, Magaalooyin badan waxaa Masjidyada waa weyn la geyey Boolis.