TACSI : – Allaah ha naxariistee Marxuum Cabdiraxman Maxamuud Sheekh Muuse oo saaka ku geeriyooday Magaalada Obdam ee Dalka Holland

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN.

GEERIDU WAA XAQ.

Waxaa Allaah ha u naxaristee maanta oo Jimce ah 15.03.2019 ku geeriyooday Magaalada Obdam ee cariga Holland Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Sheekh Muuse.

Dhamaan Qoyska Reer Aw Xasan Aw Ibraahim iyagoo ka tiiranyeysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Marxuum Cabdirixmaan Maxamuud Sheekh Muuse waxay tacsi u dirayaan Dhamaan Qoyska Reer Maxamuud Sheekh Muuse iyo Qoyska Reer Yusuf Warsame Aden( Reer Yusuf Cade )Awladii,Ehelkii iyo Axsaabtii uu marxuumku ka baxay, Waxaanuna Allaah uga baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale waxaanu Marxuumka Alle uga baryeynaa dembi dhaaf iyo naxariis.