(Dhegayso) Shankun todobo boqol iyo todobaatan neef oo xoolo ah oo haraad ugu baqtiyay 9 Tuuloo oo hoos yimaada degmooyinka Xarfo iyo Burtinle

Deegaano ay kamid yihiin Mandhiciraan, Wadhiiqle, Kalakac,  Bali- Abees, Dhadinka iyo  Gorfaale yaal oo hoos yimaada degmooyinka Xarfo iyo Burtinle ayaa waxaa haraad ugu dhintay  5,770 neef oo xoole ah .

 

Arintan ayaa waxaa sabab u ah roobkii dayrta oo yaraaday iyo dhulka oo aan lahan wax baad iyo biyo ah .

 

Haraadka  ka jira deegaanadaasi ayaa sidookale waxa uu sababay in ay ka barakacaan  28 qoys oo reer guuraa ah .

 

Booyada Biyaha ayaa deegaanadaasi waxaa lagu kala gadanayaa 150 doolar .

Puntland ayaa dhawaan soo saartay qaylo dhaan ku aadan  Abaarta iyo Biyo la,aanta ka jirta Puntland, waxayna ku baaqday in Hay,adaha gar gaarka ay si dhaqso ah dadkaasi u soo gaaraan.

Halkan ka dhegayso.