Muuse Biixi oo ku calaacaly in wada hadalada maamulka Hargaisa iyo dowladda Soomaaliya lagu qabto dalka Ghana

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa diiday baaqa ka soo yeeray madaxweynaha maamulka Hargaisa Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan dalka Imaardka Carabta.

Baaqa Muuse Biixi ayaa ahaa in wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo maamulkiisa uu ka furmo 19-ka bisha March dalka Ghana oo ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.

Wada hadaladii hore ayaa waxa ay ka dhaceen dalka Turkiga,waxaan dhowr jeer oo hore ka bax shirkaasi oo qaadacay madaxdii uu soo dirsaday Muuse Biixi.

Sanadkii 2015 ayaa ugu dambaysan wada hadalo dhexmara labada dhinac, waxayna dowladda Soomalaiya dhowr jeer oo hore ay sheegtay in ay diyaar utahay in mamaulka Hargaisa hadii ay Soomaalinimo doonayaa in ay la fariisan doonaan .