Faah Faahin Qarax khasaare gaystay oo Muqdisho ka dhacay

Gaari nooca raaxada ah oo uu lahaa sargaal ka tirsan qeybta dembi barista CID-da ee gobolka Banaadir  ayaa ku qarxay magaalada Muqdisho.

 

Qaraxa gaarigan ayaa waxa uu ka dhacay  isgooyska Shaqaalaha, waxaana uu khasaare ka soo gaaray dad shacab ah oo marayay isgoyskaasi  iyo goobo ganacsi oo halkaasi ku yaalay.

 

Ciidamada amniga ayaa goobta soo gaaray, waxaan socda baaritaan ku aadan sabata keentay in gaariga sarkaalkan uu qarxo.

 

Ma aha wax ku cusub shacabka Muqdiho qaraxyada noocaan oo kale ah, waxaan mas,uuliyada qaraxyada ka dhaca caasimada sheegata kooxda Al-shabaab.

 

Amniga maagaalada Muqdisho ayaa noqday mid faraha ka baxay tan iyo mudadii 2sano ahayd oo ay dowladdan jirtay.