DEG-DEG: Maamulka gobolka Sanaag oo beeniyay in magaalada Hafdaaftimo ay Somaliland la wareegtay

Maamulka gobolka Sanaag iyo qeybo kamid ah dadka deegaanka ayaa beeniyay warar saxaafadu baahisay oo ku saabsan in degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag ay qabsadeen ciidamo Somaliland.
 
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Ciyoon oo la hadlay Puntlandi ayaa sheegay inay wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah oo dacaayad loogu sameynayo maamulka Somaliland.
 
Sidoo kale, Axmed Maxamed Cabdi oo kamid dadka deegaanka oo aan qadka taleefoonka kula xiriirnay ayaa sheegay in reer Hadaaftimo isku diyaarinayaan inay deegaankooda ka difaacdaan Somaliland, isagoo inay shacabku dhigeen dibad bax loogasoo horjeedo waxay ugu yeereen duulaanka Somaliland.
 
Ciidamada Somaliland ayaa ku sugan meel 30km u jirta ama ka sokeysa degmada Hadaaftimo.
Puntlandi.com