
Malayshiyaadka ka amar qaata madaxweynaha aamulka Soomaalidiidka ah ee Hargaisa Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay qabsaday deegaanka Yube ee gobolka Sanaag.
Malayshiyaadkan ayaa sheegay in ay ku daba joogaan dhaq dhaqaaqa Korneel Caare uu ka wado gobolka .
Dadka deegaanka ayaa ugu baaqay Puntland in sida ugu dhaqsaha badan ay arintan uga howlgasho .
Dhanka kale gobolkan ayaa waxa uu eebe ku manaystay khayraad kala duwan sida Macdanta kujirta buuraha iyo Dahabka .
Magaalooyin ay ka mid yihiin Xingalool, Dhahar,Baran ayaa lagu soo waramayaa in malayshiyaadkan ay doonayaan in ay qabsadaan.
Halkan ka daawo.